Hooyooy La,aantaa

Maxamed Ibraahim Hadraawi

Maxamed Ibraahim Hadraawi

Heestan hooyo waxa hal-abuuray ama curiyey Abwaanka wayn ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) waxaana ku luqeeya Fanaanka Maxamed Saleebaan Tubeec  waxaanay ka mid tahay heestani Heesaha Suugaanta Soomaalida tilmaanta u ah,   ereyadeeduna si gaar ah u taabtaan qof kasta oo dhagaysta isla markaana xasuusta hooyadii  abwaan Hadraawi oo suugantiisu badan tahay ayey heestan lagu tilmaami karaa inay tahay lama ilaawaan  heestiina waa tan :

tubeec

M S Tubeec

Hooyooy La,aantaa Higgaad lama Barteenoo.
Hooyooy La,aantaa Hadal lama kareenoo.
Ruuxaadan Habinoo kolba aadan Heesiyo,
Hoobay ku Sabinoo Hawshaada waayaa Hanaqaadimaayee.
Hooyoy Taftaadaa Dugsi laga helaayoo.
Hooyoy Dhabtaadaa Hurdo lagu Gam’aayoo.
Hooyoy Dushaadaa Nabad lagu Helaayoo.
Waxa lagu Halmaalaa Hooyo Ababintaadee.
Hayin lagu Baraaraay,Hogol lagu Qaboobaay.
Gogol lama Huraaneey,Dugsi lagu Hirtaayeey,
Hiddo lagu Arooraay !!!!
Inta aad Hooyo Nooshahay Hambalyo Salaan baan
Hanti kaaga dhigaayaa,Hamrashiyo Xaqdhawr baan

Dusha kaa huwinayaa, Hooyo Dhimashadaaduna
Hoogeyga waayee,waligay hogaagaan ka dul heesayaayoo
Hiyiga iyo Laabtaan kugu haynayaayoo
Hengel baan u xidhayaa inta haada duushiyo idil habar dugaagee

Ifka hibo ku nooloow aakhiro halkii roon.

Qaralinkii. M.Ismaaciil

 

By M Ismail

One comment on “Hooyooy La,aantaa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s