Gallery

Gabay – Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) Dacartuba.

 

 
 
(Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim)

Gabaygan (Dacartuba ) magaciisu yahay  oo ka mid ahaa gabayadii Abwaan (axmed Ismaaciil Diiriye –Qaasim-AHN ) waana gabayada la soo qaadaato marka suugaanta soomaaliyeed laga faaloonaayoo.

   1. Dacartuba marbay malab dhashaa aad muudsataa dhabaqe
   2. Waxan ahay macaan iyo qadhaadh meel ku wada yaalle
   3. Midigtayda iyo bidixdu waa laba mataanoode

   4. Midi waa martida soora iyo maata daadihise
   5. Midina waa mindiyo xiirayiyo mur iyo deebaaqe
   6. Masalooyin talantaalliyaan maandhow leeyahaye

  7. Nin majiira keliyuun qabsada hay malayninae
  8. Marbaan ahay muddeex camal san oon maagista aqoone
  9. Marna macanga laayaanahoo miiggan baan ahaye

  10. Marbaan ahay muftiga saahidnimo mawlacaw gala’e
  11. Marna Mukhawi waashoo khamaha  miista baan ahaye
  12. Marbaan ahay nin xaaraan maqdaxa aan marin jidiinkise

  13. Marna tuug mu’diya baan ahoon maal Rasuul bixinne
  14. Marbaan ahay maqaam awliyaad maqaddinkoodiiye
  15. Marna mudanka shaydaanka iyo maal jinbaan ahaye

  16. Marbaan ahay murtiyo baanisaba madaxda reeraaye
  17. Oo ay weliba muuniyo dulqaad igu majeertaane
  18. Marna reer magaal Loofaroon muuqan baan ahaye

 19. Waxan ahay nin midabbeeya oo maalinbays rogae
 20. Muuqaygu gelinkiiba waa muunad goonniyahe
 21. Miisaanna ima saari karo nin i maleeyaaye

 22. Muslinka iyo gaalada dirkaba waan micna aqaane
 23. Malaa’iigta naartiyo jannadu waygu murantaaye

24. Intaa soo mahadho kala kaana oo laygu maan sheeyey

25. Maah-maaha aan soo dulmaray doqoni waa mooge ‘e

26. Ninkii maalmo badan soo jiree madaxu boosaystay

27. Ee inan rag maamuli yiqiin waa i maan garanne

28. ninkasta halkii kuula mudan ee ay muhato laabtaadu

29. Ee aanad madadaaladeed ugala maarmaynin

30. Iska soo mar waa kuu bannaan marinkad doontaaye

Waa Qalinkii   –  Maxamed Ismaaciil

 

By M Ismail

One comment on “Gabay – Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) Dacartuba.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s