Gallery

Muuse Ismaaciil Qalinle Iyo heestii (dardaaran)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Abwaan Xasan Qowdhan

Fanaankii Caanka ahaa ilaahay how naxariistee ( Muuse Ismaaciil Qalinle ) heeso badan ayuu qaadi jiray oo meel wayn ka galay suugaanta soomalida waxaannu ahaa fanaan aad u cod wanaagsan , hadaba waxaan heesihii uu qaadi jiray ka  mid ahaa heesta dardaaran ee ereyadeeda lahaa awaabka caanka ah ee Xasan qowdhan , heestaasuna waxay ku jirtay riwaayadii a baxday  ( Ninna waal, Ninna waani, oo hannaan sandahan u socotay ) ee uu sameeyey abwaan Xasan qowdhan sanadkii 1972 -kii  , waxa kale oo riwadaha abwaanka ka mid ahaa Annagoo waalan, waagu noo beri . waxaana heesaha riwaayada ka id ahaa ( miidaaamo dhego male , riyadii xalaybaan rumaystoo ). heestaa aan hore u soo xusnay ee dardaaran waa sidan ereyadii ;-

ubaxoo dilaacaay                         dawadii naftaydaay

haweentaan ka   doortaay           sida dayaxa nuuraay 

habeen dadan hilaaceey             waqalkii daduurtaay

darmantaan jeclaayeey              hee dhe waan ku dirayaa

degmadaan ku gaadhsiin    waa laguu dabaal degi

durbaanaa laguu tumi ,

 

Waxa iga dardaarana  duco duug ma noqotee 

dowgiyo dariiqanu qorxaduna dalaalimo

dadku aabahaa iyo deeqaay hooyadaa noqay

hada deganeey oo dadooy  ma hungowdo daacadi

Ku daagaalimaayaan kula doodimaayaan

kuna dayrin maayaan

geelu waa dararaa  adhigu ka daran yahay

caanaha durduuroo dhexdabaalan doontaa

daabad baa laguu lisi doqon yaan lagu odhan

dudmo yaan lagaa garan owr-ka dabarka la ogow

 

Waxa iga dardaarana  duco duug ma noqotee 

dowgiyo dariiqanu qorxaduna dalaalimo

dadku aabahaa iyo deeqaay hooyadaa noqay

hada deganeey oo dadooy  ma hungowdo daacadi

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Waa Qalinkii

Maxamed Ismaaciil

M_ali101@hotmail.co.uk

London – Uk

By M Ismail

2 comments on “Muuse Ismaaciil Qalinle Iyo heestii (dardaaran)

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s