Gabayo

Gabay
Sal-guurka aduunyo

Gabaygan waxa curiyey (abwaan ,axmed cawil jaamac) waxanu ku saabsan yahay xiliyada ama xaaladaha ruux kastaaba uu soomaro ee hadana is khilaafsan ( sida abaar iyobarwaaqo , nabad iyo colaad caafimaad iyo bokaan) waxaana sedan oo kale hore u dhigan ala how naxariistee abwaan ( axmed ismaaciil ( qaasim) gabaygiisii dacartuba marbay malab dhashaa .

Waa seermo waydiyo adduun, soba abaareede
Saran-seer mar baa lagu lumaa, biyana suulaane

Marna seben barwaaqaa ilaah, innagu sooraaye
Mar baa samadu diiddaa dhulkuna, siigo kiciyaaye

Marna sagalo hooriyo cirkaa, lagu salaaxaaye
Mar baad seenyo geel iyo fardaa, orod salowdaaye
Marna seed dhaqaaqdiyo nafluu, socodbuu waayaaye

Mar baa saxalka meeraa arliga, badi sadheeyaaye
Marna caafimaad baa saldhiga, saatir bixiyaaye

Mar baa sayme saan-dheer lulaa, seeftu danantaaye
Marna nabadaa sees loo dhigaa, saamaxaa badane

Mar bay taladu kaa suur-santoo, kaa sirgacantaaye
Marna sidii haboon iyo dantaad, sahamisaa dhaaxe

Mar baa saan caddaaliyo sunbadu, sool ku mariyaane
Marna sooc aqoonlaa tashiyo, oday la saantaaye

Subaxdii timaaddaba dad baa, loo sed buriyaaye
Darna waa sabool silicsanoo, soomal haad qaba’e
Samihii lagaadhaba mar baa, laga sal-guuraaye

Suugaan sarbeebliyo waxaan, siinka ugu raagay
Ee saaka igu qaaday baan, soo bandhigayaaye
Marna lama sinaan karo siday, nabiyo sheegeene
Waa layna kala saarayaa, suurka dabadiise

Sedrigaad safaysiyo naftoo, samirtay bow roone
Sir-maqabe allow sahan ahee, saa halla ogaado.
Dhammaad
Axmed Cawil Jaamac
London 2008.

By M Ismail

4 comments on “Gabayo

  1. Murti iyo macne wayn ayuu gabaygani xambaarsan-yahay aad iyo aad ayaan ku noqoqday akhriskiisa waa mahasan tahay .

  2. yaa salaaaaaaaaaaaaaaaaam waa gabay cajiib ah ninka tiriyeyna waa abwaan aad iyo aad af soomaaliga u xeel dheer waxaan xasuustay gabaygii qaasim ee dacartuba marbay malab dhashaa ……………..

    shukran 100000000000000000 jeer

    h,jaamac (yoolac)
    UAE

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s