Aside

                                              Maxamed Mooge Liibaan (AHN)

fanaankii waynaa ee caanka ahaa  Maxamed Mooge Liibaan ala how naxariistee wuxuu ahaa fanaan heeso badan qaaday, oo aan la koobi karin hadaba heesahaa maxaad ka taqaanaa? haday tahay abwaaniinta tiriyey .

hadaan waxa ka taabto heesahaa Maxamed mooge qaadi jiray, anigu waxaan ugu jecelay   heesta magaceeda la yidhaado Caano diid  ee uu  areyadeedana uu curiyey ama  hal abuuray abwaanka wayn  Ciise Warsame ( ciise dhan-cade) oo ah abwaan loo qiray inuu yahay abwaanka ugu ereyo waawayn abwaanada soomaaliyeed , heeso badana sameeyey sida ( gufaaco,gobayaal, iyo heeso kale oo badan )  waxaana heestan caana diid codka ama naaxiyada u sameeyey fanaankiinee caanka ahaa  Maxamed warsame qaasaali   oo isaguna aad igu xeel dheer codanyta heesaha isaga ahaa xiligaas fanaaniinta heesta safka hore waxaananu xidigna ka ahaa  riwaayadii la o dhan jiray  hadimo ee uu sameeyey awbaanka wayn Maxamed ibraahim hadraawi    iyo riwaayado kaleba waana sidan heestu;-

Maxamed Warsame Qaasaali

Maxamed Warsame Qaasaali

heestu waxay ku bilaabantaa  araar aad u qurux badan oo abwaanku ku muujiyey af soomaaliga uu hodanka ka yahay iyo hal abuur aad u xeel dheer waana sidan;-

cirkoo galab hilaacoo       caraabinaaya waqalada

gelin caadadiisii               cadad baxay shan iyo toban

casar iyo hilaacu uu aad    biyo camal shubaayoo

rahu caana diidkii            isa soo cayaar roray

cosob hooray cirkoo loo   oo ku celcelyey mayeyguna

caadada barwaaqada      midho caar guduudiyo

curdinkii isugu jira        badhna ay casaadeen

dhirtu ay la ciirtoo          cid ka gurata waydoo

shinbiruhu ka ciyayaan    waxaan kaga calool sanay

anoo canab la moodyey     gogol kugulaa caweeya.

bilowga heestuna waa sidan;-

cajabeey aduunyada       waagii cadaadaba

curub geed ka lula too    naftu ay calmadatiyo

cadibaad ma waydee     waa maxay cir jiidhani

cadwaliba tilmaanlee    siduu caadilkeeni yidhi

waa ruux cawaysan       cidba looma uumine

luqtiyo cabaadhyaha     is calaamadeyaa

cawo daran iqaadee     waxaad camabka moodaa

cir daruur cusbeeyee  cosob soo dilaaciyo

waa laan caleenoon     ka hadhsado cadceedee.

 

M.Ismaaciil

Maxamed Mooge &Heesta (Caana diid )

7 comments on “Maxamed Mooge &Heesta (Caana diid )

  1. yasaal saxiib sharax fiican ayaad heestaa ka bixisay waxaana maanta ii kow ah inaan arko fanaanka wayn maxamed warsame , oo ah fanaaniinta aan aad iyo aad codkooda uga helo waanan ku farxay inaan sawirkiisa arko M.ismaaciil waad mahadsanthay saxiib.

    aadan.c

  2. qaasaaali waa fanaan aad u cod macaan heesihiisan anigu si gaar ah ayaan u xiiseeyee , heestaa aad jor ku hustay M.ismaaciil waa hees aad u qiimo badan m. mooge si qurux badan ayuu u qaaday saaxiib adoo mahasan heestaa xagee laga heli karaa waxaa iigu dambaysay 17 sano ka hor.

  3. scw… walaal waad salaaman tahay su.aal ayaan ayaan rabaa inaad iiga jawaabtaan .. Maxamed warsame qaasaali heesihiisa miyey ka mid ahayd hees la yidhaado ( diiilalyood) oo magoolna u jiibiso.

    waa mahadsan tahay

    jamiila
    uk

  4. jamiila waad salaaman tahay .. runtii aad ayaad u dhagaysataa heesaha siiba hoosihii hore ee qiimaha lahaa taasna waxay ka muuqataa heestan aad i soo waydiisay. heestaa(diilal-yood) waxa qaada M.warsame waxaana u jiibisa xaliimo khaliif (magool) waxaana ereyadeeda curiyey abwaanka wayn M.ibraahim (hadraawi) waxaana ereyadeeda ka mid ah (( waan dubjiroo da’deed uga hadhoo ,, dumar uga go’oo ayday ila degtee ,, meel doog lahoo aan degi jiray ay damaqdayoo diilalyoonayaa)) .

    heestaa iyo heeso kale oo badan ayuu m.warsame qaadaa sida ( igu soo dhawoow , asaagaa oo labada la qaado sahra siyaad iyo heeshii riwaayadii hadimo ee xaliimo khaliif magool la qaaday ala how naxariistee.

    waxaa kale uu qaasaali sameeyee heesaha sida ( soomal haad , dalxiis , tan iyo sula ,,,,

  5. Waa hees wanagsan waxa codkiisi loxdanaa ku qaaday alle ha u naxariste muj. M.M.L lkn dhawr bayd oo danbe aya ka maqan waad dhamaystiri doonta insha allaah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s