Gallery

Wax la waayey geellow ninkii waalan baa u duda

 In badan ayaannu maqalay  maah-maahdan kor ku xusan laakiin waxa is waydiin leh maah-maahdu  maxay ku soo baxday ama maxay ku timi maah- maahdu ? 

sida aan ogsoonahay soomaalidii hore hadal-koodu wuxuu ahaa mid kooban oo  xikamdaysan  waxaanay aad u  isticmaali jireen maah maaha iyo murrti, taas oo la fahmi jiray u jeedooda iyo waxau u dan leeyihiin , maah maaduna waxay ahaan jirtay  mid hore u jirtay ama mid markaaba qofkaasi uu sameeyey oo  falkaa uu falay ka dhalata isla markaana sii fidda oo dad kale gaadha oo caan noqota .

Maah maahda kor ku xusan sida la sheegay waxa yidhi nin la odhan jiray sharmaarke aadan  isaga oo la hadlaayey wiil uu dhallay oo la odhan jiray geelle, isaga oo geelle rabay inuu guursado oo aabihiina geel uu yar uu ka bixiyo laakiin aabihii waa sharmaake ee wuxuu ku yidhi horta  xoolo dhaqo si aad u guursato oo aad reer uga masuul noqon karto, geelle arintaa kuma qancin ee wuxuu bilaabay dudmo, isaga oo  is leh aabahaa ha kuugu dabco oo  geeliisa ha kaaga guuriyo , markii uu sharmaarke arkay inuu wiil kii sii geelle dudayo ayuu ku yidhi ( wax la waayey geellow nin kii waalan baa u duda) sidaa ayey maah maah dani ku soo baxday.

Waa Qalinkii : 

M.ismaaciil 

 UK

 

2 comments on “Wax la waayey geellow ninkii waalan baa u duda

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s