Hubsiino Hal baa la siistaa

 

Maah maah iyo murti

Xikmaddu ama murtidu waa kalmad macane wayn leh, waxaa lagu tilmaamay inay tahay macnaheedu ; wax samayn, wixii la samayn lahaa, xiligii la samayn lahaa, sidii ugu wacnayd ee la samayn lahaa,

murtidu  waa dhambaal ama fariin aadnimo ah taas oo inooga digaysa  xumaan  ama wanaag ina faraysa.

Maah maahdu waa qayb ka mid ah murtida  waxaana la yidhi qof yaqaana 50 maah- maahood oo soomali ah macnahoodana fahansan wax aqooni kama dhinna,ummadna marka la qiimaynayo waxa la eegaa murtidooda taas timaanta dhaqankooda.

Waxaynu tusaale u soo qaadanaynaa maah maahdan:- ( hubsiino hal baa la siistaa ) ,  waxa ku daba jirta sheeko aad u qurux badan , sida la sheegay  waxa jiri-jiray nin geel badan leh oo caaqilna reer u ah, gabadh  uu dhawaan guursadayna qaba oo aan walina caruur u dhalin , waana ninka maah maahdan yidhi.

 Sida la sheegay ninkaa aan kor ku soo sheegnay waxa u soo hooyday oo marti u noqday  nin  murtiile ah oo caan xilgaa ahaa , ninkii ayuu soo dhaweeyey markii uu  gartay inuu yahay ninkii murtiilaha ahaa ee la sheegi jiray, ayuu   ku yidhi  hadal murti ah  ii sheeg oo wax I tara noloshayda oo aan kaa siisto geelayga hasha ugu wacan, ninkii murtiilaha ahaana wuu ka yeelay ama aqbalay, subax duu ka tegaayey  ayuu ku yidhi hashii waxaan kaa siistay ( Wax hubso )  ninkii hashii sidii ayuu ku siiyey isagoo  kelmadaa macanheedu la fudud yahay umana arag inay tahay kalmad wax tari-karta ama xikmad ku salaysan .

Muddo ka dib ayuu ninkii meel  sadcaalay oo reerkiisii, isaga oo meeshaa ku   dhaxay habenkii,  intii uu maqnaa ayaa waxa reerkiisii u yimi  seedigii    ( xaaskiisa walaalkeed )   oo aannu isagu wali arag,  walaashiina habeenkii aqalkii ayey seexisay, ilayn nin keediina waa ka maqanyahay, goor aroor hore ay tatahay  oo aan wali la toosin ayuu ninkii reerkiisii ku soo beegmay markuu aqalkii soo galay ayuu arkay nin dhex hurda   oo xaaskiisiina iyana hurudo!! cajiib iyo ama-kaag ayey ku noqotay!! Isaga oo cadhaysan ayuu  qorigiisii uu sitay degta kala soo degay  oo ninkii hurday ee seedigii ahaa   dhafoorka ka saaray oo uu damcay inuu xabad ku dhufto!. Salaamaad!

 Intaanu xabadii ku dhufan ayuu  xasuustay kelmadii  uu ninkii murtiilaa ahaa uu ku yidhi ee ahayd  ( wax hubso) , kolkaasuu intuu is qabtay  xaaskiisii toosiyey oo waydiiyey ninkan la hurdaa aqalka cidduu yahay ?  ayada oo naxsan!  ayey u sheegtay ninkani  inuu yahay walaal keed oo bah kale ah xalayna u soo hoqday.

kolkaasuu  qorigii xabdii ka saaray oo yidhi ( hubsiino hal baan siistay ) isaga oo u jeeda kalmada ( wax hubso) inaanay bilaash ku soo galine uu hal geela nin siistay ka dibna waxay noqotay maah maah caan ah ,  hubsiino hal baa la siistaa, bal dadow wax hala hubsado.

M.ismaaciil,,

 

 

 

One comment on “Hubsiino Hal baa la siistaa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s