Dhinacle

                                              Maxamed Mooge Liibaan (AHN)

fanaankii waynaa ee caanka ahaa  Maxamed Mooge Liibaan ala how naxariistee wuxuu ahaa fanaan heeso badan qaaday, oo aan la koobi karin hadaba heesahaa maxaad ka taqaanaa? haday tahay abwaaniinta tiriyey .

hadaan waxa ka taabto heesahaa Maxamed mooge qaadi jiray, anigu waxaan ugu jecelay   heesta magaceeda la yidhaado Caano diid  ee uu  areyadeedana uu curiyey ama  hal abuuray abwaanka wayn  Ciise Warsame ( ciise dhan-cade) oo ah abwaan loo qiray inuu yahay abwaanka ugu ereyo waawayn abwaanada soomaaliyeed , heeso badana sameeyey sida ( gufaaco,gobayaal, iyo heeso kale oo badan )  waxaana heestan caana diid codka ama naaxiyada u sameeyey fanaankiinee caanka ahaa  Maxamed warsame qaasaali   oo isaguna aad igu xeel dheer codanyta heesaha isaga ahaa xiligaas fanaaniinta heesta safka hore waxaananu xidigna ka ahaa  riwaayadii la o dhan jiray  hadimo ee uu sameeyey awbaanka wayn Maxamed ibraahim hadraawi    iyo riwaayado kaleba waana sidan heestu;-

Maxamed Warsame Qaasaali

Maxamed Warsame Qaasaali

heestu waxay ku bilaabantaa  araar aad u qurux badan oo abwaanku ku muujiyey af soomaaliga uu hodanka ka yahay iyo hal abuur aad u xeel dheer waana sidan;-

cirkoo galab hilaacoo       caraabinaaya waqalada

gelin caadadiisii               cadad baxay shan iyo toban

casar iyo hilaacu uu aad    biyo camal shubaayoo

rahu caana diidkii            isa soo cayaar roray

cosob hooray cirkoo loo   oo ku celcelyey mayeyguna

caadada barwaaqada      midho caar guduudiyo

curdinkii isugu jira        badhna ay casaadeen

dhirtu ay la ciirtoo          cid ka gurata waydoo

shinbiruhu ka ciyayaan    waxaan kaga calool sanay

anoo canab la moodyey     gogol kugulaa caweeya.

bilowga heestuna waa sidan;-

cajabeey aduunyada       waagii cadaadaba

curub geed ka lula too    naftu ay calmadatiyo

cadibaad ma waydee     waa maxay cir jiidhani

cadwaliba tilmaanlee    siduu caadilkeeni yidhi

waa ruux cawaysan       cidba looma uumine

luqtiyo cabaadhyaha     is calaamadeyaa

cawo daran iqaadee     waxaad camabka moodaa

cir daruur cusbeeyee  cosob soo dilaaciyo

waa laan caleenoon     ka hadhsado cadceedee.

 

M.Ismaaciil

Maxamed Mooge &Heesta (Caana diid )

Advertisements

Hees – Dalxiis Maxamed warsame Qaasaali

Waa hees wadani ah oo u qaadayo fanaankii waynaa – Maxamed warsame qaasaali – ereyada iyo laxankaba isaga ayaa sameeyey waxa uu ku sifaynayaa goboladda somaliland – hargeysa – daallo bari – sheekh- burco – berbera.

By M Ismail

Hooyooy La,aantaa

Maxamed Ibraahim Hadraawi

Maxamed Ibraahim Hadraawi

Heestan hooyo waxa hal-abuuray ama curiyey Abwaanka wayn ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) waxaana ku luqeeya Fanaanka Maxamed Saleebaan Tubeec  waxaanay ka mid tahay heestani Heesaha Suugaanta Soomaalida tilmaanta u ah,   ereyadeeduna si gaar ah u taabtaan qof kasta oo dhagaysta isla markaana xasuusta hooyadii  abwaan Hadraawi oo suugantiisu badan tahay ayey heestan lagu tilmaami karaa inay tahay lama ilaawaan  heestiina waa tan :

tubeec

M S Tubeec

Hooyooy La,aantaa Higgaad lama Barteenoo.
Hooyooy La,aantaa Hadal lama kareenoo.
Ruuxaadan Habinoo kolba aadan Heesiyo,
Hoobay ku Sabinoo Hawshaada waayaa Hanaqaadimaayee.
Hooyoy Taftaadaa Dugsi laga helaayoo.
Hooyoy Dhabtaadaa Hurdo lagu Gam’aayoo.
Hooyoy Dushaadaa Nabad lagu Helaayoo.
Waxa lagu Halmaalaa Hooyo Ababintaadee.
Hayin lagu Baraaraay,Hogol lagu Qaboobaay.
Gogol lama Huraaneey,Dugsi lagu Hirtaayeey,
Hiddo lagu Arooraay !!!!
Inta aad Hooyo Nooshahay Hambalyo Salaan baan
Hanti kaaga dhigaayaa,Hamrashiyo Xaqdhawr baan

Dusha kaa huwinayaa, Hooyo Dhimashadaaduna
Hoogeyga waayee,waligay hogaagaan ka dul heesayaayoo
Hiyiga iyo Laabtaan kugu haynayaayoo
Hengel baan u xidhayaa inta haada duushiyo idil habar dugaagee

Ifka hibo ku nooloow aakhiro halkii roon.

Qaralinkii. M.Ismaaciil

 

By M Ismail

Iftiin.Wordpress.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Abwaan Xasan Qowdhan

Fanaankii Caanka ahaa ilaahay how naxariistee ( Muuse Ismaaciil Qalinle ) heeso badan ayuu qaadi jiray oo meel wayn ka galay suugaanta soomalida waxaannu ahaa fanaan aad u cod wanaagsan , hadaba waxaan heesihii uu qaadi jiray ka  mid ahaa heesta dardaaran ee ereyadeeda lahaa awaabka caanka ah ee Xasan qowdhan , heestaasuna waxay ku jirtay riwaayadii a baxday  ( Ninna waal, Ninna waani, oo hannaan sandahan u socotay ) ee uu sameeyey abwaan Xasan qowdhan sanadkii 1972 -kii  , waxa kale oo riwadaha abwaanka ka mid ahaa Annagoo waalan, waagu noo beri . waxaana heesaha riwaayada ka id ahaa ( miidaaamo dhego male , riyadii xalaybaan rumaystoo ). heestaa aan hore u soo xusnay ee dardaaran waa sidan ereyadii ;-

ubaxoo dilaacaay                         dawadii naftaydaay

haweentaan…

View original post 140 more words

By M Ismail

Iftiin.Wordpress.com

 

Maah maah iyo murti

Xikmaddu ama murtidu waa kalmad macane wayn leh, waxaa lagu tilmaamay inay tahay macnaheedu ; wax samayn, wixii la samayn lahaa, xiligii la samayn lahaa, sidii ugu wacnayd ee la samayn lahaa,

murtidu  waa dhambaal ama fariin aadnimo ah taas oo inooga digaysa  xumaan  ama wanaag ina faraysa.

Maah maahdu waa qayb ka mid ah murtida  waxaana la yidhi qof yaqaana 50 maah- maahood oo soomali ah macnahoodana fahansan wax aqooni kama dhinna,ummadna marka la qiimaynayo waxa la eegaa murtidooda taas timaanta dhaqankooda.

Waxaynu tusaale u soo qaadanaynaa maah maahdan:- ( hubsiino hal baa la siistaa ) ,  waxa ku daba jirta sheeko aad u qurux badan , sida la sheegay  waxa jiri-jiray nin geel badan leh oo caaqilna reer u ah, gabadh  uu dhawaan guursadayna qaba oo aan walina caruur u dhalin , waana ninka maah maahdan yidhi.

 Sida la sheegay ninkaa aan kor…

View original post 316 more words

By M Ismail

Iftiin.Wordpress.com

 In badan ayaannu maqalay  maah-maahdan kor ku xusan laakiin waxa is waydiin leh maah-maahdu  maxay ku soo baxday ama maxay ku timi maah- maahdu ? 

sida aan ogsoonahay soomaalidii hore hadal-koodu wuxuu ahaa mid kooban oo  xikamdaysan  waxaanay aad u  isticmaali jireen maah maaha iyo murrti, taas oo la fahmi jiray u jeedooda iyo waxau u dan leeyihiin , maah maaduna waxay ahaan jirtay  mid hore u jirtay ama mid markaaba qofkaasi uu sameeyey oo  falkaa uu falay ka dhalata isla markaana sii fidda oo dad kale gaadha oo caan noqota .

Maah maahda kor ku xusan sida la sheegay waxa yidhi nin la odhan jiray sharmaarke aadan  isaga oo la hadlaayey wiil uu dhallay oo la odhan jiray geelle, isaga oo geelle rabay inuu guursado oo aabihiina geel uu yar uu ka bixiyo laakiin aabihii waa sharmaake ee wuxuu ku yidhi horta  xoolo dhaqo si aad u guursato oo aad reer…

View original post 64 more words

By M Ismail
Galleri

Gabay – Shiinley – Cabdi iidaan Faarax

This gallery contains 1 photo.

Cabdi Iidaan Faarax  (IHN) Gabaygan  waxa uu ku bilaabay Silsiladii la magac baxday ’’ Shiinley’’ Wuxu yidhi ;- Kolkii Midhayarii wada shuq yidhi shidantay Deelley’e  Shinbir-Dharabtu meel Aar fadhiyo shuuqa kama deynne Sha’diibaan hayaanka u rarnay iyo shaanbis geeddiga’e Shaabuugga … Sii akhri

By M Ismail

Maxaad ka taqaanaa Gunbiga – Somaliland ku nool

Image       Gunbigu  waa nooc dameer debedeedka ka mid ah  waxaanu  ku noolyahay somaliland gobolka sanaag  meel kana kuma noola waxaana filayaa inuu yahay noocaasi kii dameeruhu ka soo farcameen , in kasta oo dad ay ku sheegaan inay yihiin daabadii uu nabi saleebeen (S.C.W ) uu fuuli jiray laakiin  lama hayo cadayn.

Maxamed Ismaaciil

London -UK

By M Ismail

Maxaad ka taqaanaa Gunburiga – Somaliland ku nool

Image       Gunburigu  waa nooc dameer debedeedka ka mid ah  waxaanu  ku noolyahay somaliland gobolka sanaag  meel kana kuma noola waxaana filayaa inuu yahay noocaasi kii dameeruhu ka soo farcameen , in kasta oo dad ay ku sheegaan inay yihiin daabadii uu nabi saleebeen (S.C.W ) uu fuuli jiray laakiin  lama hayo cadayn.

Maxamed Ismaaciil

London -UK

By M Ismail

2010 in review

The stats helper monkeys at WordPress.com mulled over how this blog did in 2010, and here’s a high level summary of its overall blog health:

Healthy blog!

The Blog-Health-o-Meter™ reads This blog is doing awesome!.

Crunchy numbers

Featured image

A Boeing 747-400 passenger jet can hold 416 passengers. This blog was viewed about 3,800 times in 2010. That’s about 9 full 747s.

In 2010, there was 1 new post, growing the total archive of this blog to 11 posts.

The busiest day of the year was March 24th with 34 views. The most popular post that day was Sawiro layaab leh !!.

Where did they come from?

The top referring sites in 2010 were facebook.com, mail.live.com, google.com, stumbleupon.com, and alcoholloveyourtreatment.net.tc.

Some visitors came searching, mostly for maxamed mooge, sawiro qurux badan, laba, geela soomaaliya, and geela.

Attractions in 2010

These are the posts and pages that got the most views in 2010.

1

Sawiro layaab leh !! October 2008
1 comment

2

sawiro qurux badan February 2009
5 comments

3

geela soomaaliya jooga June 2008

By M Ismail

Gabayo

Gabay
Sal-guurka aduunyo

Gabaygan waxa curiyey (abwaan ,axmed cawil jaamac) waxanu ku saabsan yahay xiliyada ama xaaladaha ruux kastaaba uu soomaro ee hadana is khilaafsan ( sida abaar iyobarwaaqo , nabad iyo colaad caafimaad iyo bokaan) waxaana sedan oo kale hore u dhigan ala how naxariistee abwaan ( axmed ismaaciil ( qaasim) gabaygiisii dacartuba marbay malab dhashaa .

Waa seermo waydiyo adduun, soba abaareede
Saran-seer mar baa lagu lumaa, biyana suulaane

Marna seben barwaaqaa ilaah, innagu sooraaye
Mar baa samadu diiddaa dhulkuna, siigo kiciyaaye

Marna sagalo hooriyo cirkaa, lagu salaaxaaye
Mar baad seenyo geel iyo fardaa, orod salowdaaye
Marna seed dhaqaaqdiyo nafluu, socodbuu waayaaye

Mar baa saxalka meeraa arliga, badi sadheeyaaye
Marna caafimaad baa saldhiga, saatir bixiyaaye

Mar baa sayme saan-dheer lulaa, seeftu danantaaye
Marna nabadaa sees loo dhigaa, saamaxaa badane

Mar bay taladu kaa suur-santoo, kaa sirgacantaaye
Marna sidii haboon iyo dantaad, sahamisaa dhaaxe

Mar baa saan caddaaliyo sunbadu, sool ku mariyaane
Marna sooc aqoonlaa tashiyo, oday la saantaaye

Subaxdii timaaddaba dad baa, loo sed buriyaaye
Darna waa sabool silicsanoo, soomal haad qaba’e
Samihii lagaadhaba mar baa, laga sal-guuraaye

Suugaan sarbeebliyo waxaan, siinka ugu raagay
Ee saaka igu qaaday baan, soo bandhigayaaye
Marna lama sinaan karo siday, nabiyo sheegeene
Waa layna kala saarayaa, suurka dabadiise

Sedrigaad safaysiyo naftoo, samirtay bow roone
Sir-maqabe allow sahan ahee, saa halla ogaado.
Dhammaad
Axmed Cawil Jaamac
London 2008.

By M Ismail

laba guur maxaad ka odhan ?

sida aan og soonahay diinta islaam waxay inoo banaysay laba inuu rgu 4 dumara guursan karo taas oo lagu xidhay shuruudo .

hadaba maxay kuula muuqataa ama aad ka odhan lahayd hadii ninkaagu uu kula guursado ? waa su,aal
ama ma la guursan lahayd xaaskaaga ? waa su,aal kale

m.ismaaciil

By M Ismail

sawiro qurux badan

waa biriijyo ku yaal wadanka ajabanka (japan)

jabanka1

japanesebridges10

japanesebridges05

By M Ismail

Sawiro layaab leh !!

wali ma aragtay diin laba madax leh !! waa yaabka yaabkii –( subxaana laah abuurtiisu badanaa )

 

 

 

wali lama agar jiir  ugaadhsanaaya  ama qabsanaaya mas !!  waa tan ee bal eeg

 

 

 

 

 

sawiradan waa  sawiro layaab leh wali lama arag harimacad   yaxaas ugaadhsanaaya !!! oo  weerar ku qaaday !!  yaab-  waar bal hada eega ninkii yaxaas ahaa waxa gaadhay  iyo sida loogu xoog sheegtay.

 

 

 

 

  

 

 

by .  m.ismaaciil

By M Ismail